Diyaarad Kale Oo Sida Muwaadiniin Soomaali Ah Oo Kasoo Degtay Muqdisho

0

Diyaarad kale oo sida mawaadiniin Soomaaliyeed oo ku xayirnaa dalka Sacuudiga ayaa kasoo degtay Garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Muwaadiniinta soo gaaray Caasimadda dalka ee Muqdisho ayaa isugu jiray haween iyo caruur, kuwaasi oo waqti dheer sugayay in dib dalka loogu soo celiyo, iyagoona sheegay inay ku farsax yihiin dib u soo noqoshadooda.

Sidoo kale dadka ayaa waxaa safarkooda soo noqoshada saameeyay cudurka halista ah ee Coronavirus oo saameeyn ballaaran ku yeeshay aduunka oo dhanka, waxaana  la tilmaamay in Muwaadiniinta ay dalkaasi ku haysatay dhibaatooyin kala duwan.

Madaxweynaha dalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa amar  ku bixiyay in lasoo amray daadgureeyo Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayiran dalalka Caalamka, kuwaasi oo safarkooda duulimaadka uu sameeyay Cudurka Coronavirus.