DHAGEYSO:-Go’aan la xariira COVID-19 oo lagu gaaray kulan uu shir gudoomiyey R/W Kheyre iyo xaladihii u dambeeyay ee cudurka

0

Shirka joogtada ah ee guddiga xakameynta cudurka COVID-19 ayaa waxaa xalay shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, waxaana diiradda lagu saaray xaaladihii u dambeeyay ee saameynta cudurkaas.

Qoraal kooban oo kasoo baxay kulankaas ayaa lagu sheegay in lagu go’aamiyay in gargaar caafimaad oo dheeraad ah, si degdeg ah loola gaaro deegaanada dowlad goboleedyada dalka, si loo daryeelo dadka uu soo ridanayo feyruskan.

Sidoo kale wasiir ku xigeenka wasaaradda Macadanta iyo Batroolka ee xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Cabdulqaadir Hilaal ayaa qoraal uu soo dhigay bartriisa Facebook-ga, waxa uu ku sheegay in dad badan uu cudurkaas ku soo ritay gobolka Gedo, isla markaana ay madaxda dowladdu amartay in gargaar caafimaad la gaarsiiyo.

“Anaga oo si dhaw ula socona xaalada shacabka ku nool qaar kamid ah degmooyin ka gobolka Gedo, kuwaas oo lagu arkay xaalado kamid ah COVID-19, kuwa badana laga shakisanyahay, ayaan la wadaagnay madaxda Qaranka, waxeyna amreen in la geeyo gar-gaar caafimaad sida ugu dhaqasiyaha badan” ayuu qoraalkiisa ku yiri Wasiir Hilaal.

Cudurka COVID-19, ayaa haatan sida muuqata ku sii fidaya gobollada dalka Soomaaliya, waxaana maalin kasta laga diiwaan geliyaa kiisas aad u badan, iyadoo labadii maalin ee u dambeysay kiisaska la diiwaan geliyay ee la shaaciyey ay ahaayeen kuwo tiradoodu badan tahay.

Saacadihii u dambeeyay kiisaskii u badnaa ayaa laga diiwaan geliyay Galmudug, gaar ahaan magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, kadib markii 110 qofood oo magaaladaas looga baray cudurka laga helay 47 kamid ah.

Guud ahaan Soomaaliya waxaa saacadihii u dambeeyay laga diiwaan geliyay 88-kiis oo Coronavirus ah.

Tirada guud ee kiisaska cudurka Coronavirus gudaha Soomaaliya ayaa gaartay 1,916 xaaladood, 327 qofood ayaa ka bogsatay xanuunka, halka inta la ogyahay 73 kalena ay u geeriyoodeen.