DFS oo cambaareeysay falka wuxuushnimada leh ee argagixisadu ay ku gumaaday Shacabka Soomaaliyeed

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaareysay falka wuxuushnimada leh ee argagixisad ay ku gumaaday Shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa qoysaska iyo qaraabada ay ka geeriyoodeen dadkii ku shahiiday weerarka bahalnimada ah ee kooxaha naf lacaariga ah ee ay ku qaadeen gaariga dadweynaha ee marayay wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye,dhammaan dadkaas shuhadada ah waxaan u rajeyneynaa inuu Alle siiyo naxariisto janno inta dhaawac ah Alle u boogo dhayo.

Falkan arxan darada ah wuxuu cadeyn u yahay sida kooxaha calooshood u shaqeysatayaasha ah ee ka macaasha daadinta dhiiga shacabka Soomaaliyeed ay markasta ugu hamuun qabaan baabi’inta dadka si aan kala sooc lahayn.

Dowladda Soomaaliyeed oo kaashaneysa shacabka Soomaaliyeed waxay ku rajo weyn tahay in guul laga gaaro dagaalka lagu soo afjarayo kooxaha argagaxisada, Diin laawayaasha ah ee danta ka dhex arkay bur burinta dadka iyo baabi’inta ummadda.