DAAWO:-Axmed Madoobe oo labo beelood ku heshiisiiyay Kismaayo

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa soo xiray shirweynaha dib u heshiisinta beelo walaalo ah ee ku diriray Jubba Hoose.

Shirkan waxaa sidoo kale kasoo qayb galay Madaxweyne kuxigeenka labaad ee Jubbaland, labada gole ee Dowlada Odayasha Dhqanka Culimada iyo Sidoo kale beelihii walaalaha ahaa ee dirirtu ay dhax martay,

Madaxweynaha Jubbaland oo madasha ka hadlay ayaa ku dheeraaday dhibaatada ay leedahay dhiiga qof Muslim ah oo macna daro lagu daadiyo, Dowaladuna ay dadaal badan ku bixin doonto sidii arinta loo dhameeyn lahaa.

Shirkan ayuu sheegay inuusan aheyn midkii ugu dambeeyey ee ay isugu yimaadan labbadan beel, wuxuu balan qaaday Madaxweynaha in shirar nabadeen oo is xiga kaasoo hormuud uu u yahay lagu qaban doono goobihii uu dagaaladu ka dhaceen isla markana cid walba laga doonayo in dadaalka nabadaynta ee Dowladu ay wado ay u hogaansanto.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in aysan mar dambe ka gacan laaban doonin colaad kasoo cusboonata deegaanada ay dagaaladu ka dhaceen Jubada Hoose, iyadoo labada beelood ay madasha ka balan qaadeen in ay is cafiyeen mar dambana uusan dhici doonin dagaal dadka deegaanka u dhexeeya.

“Waxaan rabaa saakay inaad qaadataan dhulka ilaahay baa iska leh, qof walbana intuu ku nooleeystuu ku leeyahay, Guddiga waan la dardaaramay Iyo Culimada labba qolana waan u sheegay laangooyada, dhulka la oodayo, waxa badan ee la jiidayo, hala joojiyo” ayuu yiri Madaxweynhaa Jubbaland oo la dardaarmaya dhamaan dadkii kasoo qayb galay shirwaynahaa iyo guud ahaan dadka ree Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in Dhulka ay Dowladu Mas’uul ka tahay isla markana qof walba oo reer Jubbaland ah uu dagi karo kuna noolaan karo halkii uu doono waxaa uu intaas ku daray Madaxweynahu in la joojiyo Dhulka la oodayo taas oo yaraynaysa khayraadka daaqa sidoo kalana samaynaysa dhibaato dhinaca Cimilada ah iyo dagaalo soo noqnoqda oo dhul daaqsimeedka la xiriirta.