AKHRISO:- Taliyaha Ciidanka Xoogga oo ka hadlay dhalinyaradii lagu laayay degaanka Gololey

0

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Odawaa Yuusuf Raage oo caawa shir jaraa’id Ku Qabtay Magaalada Cadaado ayaa ka hadlay dhalinyaradii lagu laayay degaanka Gololey.

Waxaa uu sheegay in xoogga dalku aysan wax lug ah ku lahayn dhacdadii dadka lagu laayey ee Gololeey.

Waxaa uu Sheegay in baaritaano horudhac ah ay ku ogaadeen Ciidanka xoogga dhacdadaasi aysan ka dambeyn.

Dhinaca kale waxa uu sheegay in xoogga dalku wado baaritaan iyo hawlgal dhacdadaasi ku aadan, xogo horudhac ahna ay heleen, dhawaan ay soo bandhigi doonaan.

Dhalinyaradaan la dilay ayaa ahaa Shaqaalaha Xarun MCH oo ku taalla deegaanka Gololeey,isla markaana rag hubeysan ay deegaankaas ka afduubteen,isla markaana meydkooda laamiga deegaanka Gololeey la soo dhigay.

Dhalinyarada meydadkooda la soo dhigay deegaanka Gololeey ayaa waxaa kamid ah laba dhalinyaro ah oo Caanka ahaa degmada Balcad,kuwaas oo lagu kala Magacaabi jiray Cabdirisaaq Cabdullaahi Qobleey iyo Cumar Xuuti Filfil.