DHEGAYSO:- Madaxweynaha Hiirshabeele oo Gudi magacaabay

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay falkii foosha xumaa dil wadareedkii loogu geystay shaqaale caafimaad oo ka shaqeynayay deegaanka Gololey.

Madaxweyne Waare ayaa guud ahaan ehelka qaraabada iyo qoska ay ka baxeen dhalinyaradaas uga tacsiyadeeyay geerida ku timid wiilasha xaqdarro loo dilay waxa uuna allah uga baryay jannatul fardowsa.

“Waxaan ka xunahay dhacdada ugubka ah ee ka dhacday Gololey oo lagu Samafalayaal waxaana aan ka codsanayaa ehelada dadkii la diley inay Alle talo saartaan kana war sugaan guddiga aan u magacaabay baaristaan dhacdadan.”ayuu yiri Madaxweyne Waare.