AKHRISO:- Madaxweynaha Galmudug oo Xariga ka jaray Xarun lagu karantiilayo dadka qaba COVID-19

0

Madaxweynaha Dowlad Goboledka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye “Qoor qoor” ayaa Maanta xariga ka jarey xarunta Karaantiilka dadka qaba Caabuqa Covid-19 ee degmada Cadaado.

Madaxweynaha Galmudug ayaa bulshada Cadaado ugu baaqay in guryahooda aay joogan waxa uu sidoo kale dowlada faderaalka ee Soomalia ka codsaday in deegaanada Galmudug loo soo dhameystiro Qalabka Caafimaadka.

Dhawaan Magaalada Cadaado waxaa ku geeriyooday 8 Ruux oo lagu arkay Calaamadaha Cudurka covid-19,waxaana hirgelinta Xaruntaan ay timid,kaidb qeylo-dhaan ka timid Shacabka Magaalada Cadaado.