Yaa ka dambeeyey xasuuqa dhallinyaradii Gololey? – Dadka deegaanka oo hal dhinac wada eedeeyey+Vedio

0

Xog dheeraad ah ayaa kasoo baxeysay dilka sideed dhallinyaro ah oo maanta meydadkooda lasoo dhigay deegaanka Gololey ee degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dhallinyarada la laayey, ayaa toddoba ka mid ah waxay u shaqeynayeen xarun caafimaad oo la yiraah Zamzam, waxayna ahaayeen dhallinyaro wax bartay oo jaamacado ka baxay oo deegaanka u tegay inay caawiyaan dadkooda, ayaga oo ka kala tegay Muqdisho iyo Balcad.