AKHRISO:- Sucuudiga oo dabcinayo xayiraadaha ka hortagga feyraska Korona

0

Dowladda Sucuudiga ayaa bilowday in muddo shan maalmood ah ay dabciso bandowga lagu soo rogay dalkaas xilliggan bishan Shawaal.

Bandowga waxaa laga qafiifinayaa dhammaan dalka Sucuudiga marka laga reebo magalaada barakeysan ee Maka halkaas oo laga soo tebiyay kiisaska ugu badan ee feyraska Korona.

Qof kasta oo doonaya in uu gurigiisa uu kasoo baxo waa in fasax uu ka helaa dowladda.

Waxaa lagu wadaa in Sucuudiga toddobaadayada nagu soo aadan in uu ku dhawaaqo tallaabooyin kale oo lagu dabcinayo xayiraadda ka hortagga fiditaanka feyraska Korona.

Ma kala cadda in Sucuudiga uu fasaxi doono inta badan howlaha xajka iyo in kale, gudashada acmaasha xajka ayaa lagu wadaa inay bilaabato dabayaaqada bisha July.

Sucuudiga wuxuu xaqiijiyay ilaa 75,000 qof oo uu ku dhacay feyraska Korona, waxaana u dhimatay ilaa 400 qof.