AKHRISO:- Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir oo war ka soo saaray dhalinyaradii lagu dilay Gololey

0

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa si kulul u cambaareeyay falkii arxan-darada ahaa ee lagu laayay dhalinyaro ka shaqeynayay xarun caafimaad oo ku taal deegaanka Gololey ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

“Maanta Soomaaliya kama go’aan 8 dhallinyaro oo waxbaratay, waliba Gobalka Sh/Dhexe oo aan ognahay baahida caafimaad ee ka jirta xilligan adag, Falkan arxan-darrada ah ee lagu laayay 8-da aqoonyahan waa rajo-beel, amni darro iyo kicin bulsho”ayuu yiri Taabit Cabdi Maxamed

Taabit ayaa ku baaqay in baaritaan degdeg ah lagu sameeyo falkaas, si ay cadaalad u helaan qoysaska dhalinyaradii la laayay.

Dhacdadii lagu laayay dhalinyaradan ayaa waxay argagax iyo uur-kutaalo ku reebtay dad badan oo Soomaaliyeed, in xilligan dhalinyaro waxbaratay oo caafimaadka ka shaqeynayay si arxan daro ah loo dilo.