Yusuf Garaad oo farriin u diray Baarlamaanka (Xildhibaanow Xusuusnow)

0

Baarlamaankow Ciid wanaagsan. Waxaan maqlayaa in aad ku howlan tihiin qaabka ay doorasho u dhici doonto iyo goorta, qofkii Allah gaarsiiyo.

Marka hore waan idinku bogaadinayaa in aad gudaneysaan waajibaadkiinna Dastuuriga ah.

Marka xiga talooyinka aad rogrogeysaan, oo qaarkiin marka ay bannaanka joogaan aanay la gabmbaneyn, waxaan maqlayaa in ay ka mid tahay in aad kuraasta iska sii fadhidaan marka uu dhammaado xilligii la idiin doortay.

Kuwa sidaas ku doodayaa kama xishoonayaan ee qiil ayayba ka dhiganayaan in ay ku fashilmeen in ay howlaha ayaga kaga beegan doorashada ay qabtaan si ay u dhacdo xilligii la isku ogaa oo ah bisha November 2020.

Hadalka ayay qurxinayaan. Waxay leeyihiin doorasho lagama gaaro sidii in aanay ka mid ahayn howshii loo diray afar sano ka hor ee ay tahay Breaking News soo dhacay bartamaha 2020.

Waxaa kale oo aad mooddaa in ay moog yihiin in kuwii ay doorasho kaga adkaadeen ama khiyaamo iyo wax isdaba marin gacan lagu siiyay ay kursiga kaga boobeen ay afar sano sugayeen tartankii uu Dastuurku damaanad qaaday 2020.

In uu sameeyay ama uu ku biiray Xisbi ka dib markii shuruud laga dhigay.

In isaga oo cartamaya uu maalin maalin u tirsanayay goorta ay ku eg tahay muddada sharciga ah ee heshiiska lagu yahay ee Baarlamaanku.

Sidaas ay tahay waa laguu cad gooyay. Cidi kaama hor joogto in aad keligaa go’aan ka gaarto qaabka aad doonto in ay doorashadu noqoto iyo waliba goobta kursiga la dhigayo aad ku tartami lahaydeen.

Waxa keliya ee Xildhibaanow aan ku xusuusinayo waa in haddii tirada dadka Soomaaliya ay tahay 15 milyan ay Xubnaha labada Gole ee Baarlamaanku ay ka noqonayaan Boqolkiiba 0.002.

Haddii Xildhibaannada Baarlamaanka iyo ergooyinka soo dooratay la isku darana aad tihiin boqolkiiba 0.09 shacabka Soomaaliya.

Waa tiro ka yar boqolkiiba hal aad madax ugu tihiin inta kale oo ah boqolkiiba 99 iyo dheeraad.

Doorasho xilligeedi kuma dhici karto oo waan aragnaa in laga gaabiyey. Mana aha Corona oo ma aragno howl doorasho oo socotay oo Corona uu hakiyay.

Kordhin farsamo oo lama huraan ah waa ku qabatay oo waa la qaadan.

Marka aad go’aan gaareyso, meelmarin iyo fulintiisa adiga lagaa rabo, laaca keliya lama eego.

Xisaabta ku darso xaqiiqada ku hor iyo hareera taalla oo u qeybsameysa maxaa Soomaali ka suurta gal ah haddii la baajiyo doorashada?

Iyo maxaa ka suurta gal ah ajnabiga kala danaha ah ee qaar noo hayo amniga, qaar na siiyo deeqaha, qaar naga taakuleeyo siyaasadda iyo diblomaasiyadda qaarna uu shidaalka iyo kalluunkeenna ku rabo lacag la’aan ama sida ugu jaban ee suurta gal ah.