Madaxweyne Deni” Al-Shabaab gacmo kale ayaa adeegsanaya”

0

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in Puntland ay  qabto tuhun ku aadan in Al-Shabaab ay adeegsanayaan gacmo doonaya in ay burburiyaan hanaanka dowladnimadda maamulka Puntland.

Madaxweyne Deni waxaa uu walaac ka muujiyay Dilkii Al-Shabaab ay u geysteen Saddex Gudoomiye gobol oo kala ahaa Banaadir, Nugaal iyo Mudug, waxaana uu sheegay in ay qabaan tuhuno ku aadan in ay jiraan dad adeegsanaya Al-Shabaab.

Waxaa uu tusaale u soo qaatay Warar ay horay u qoreen qaar ka mid ah Warbaahinta Caalamka ee loolanka dalalka Carabta qaarkood ay ku jiraan Soomaaliya in ay qeyb ka noqon karto adeegsiga Al-Shabaab.

“Tuhun badan ayaa qabnaa oo ku aadan in Al-Shabaab ay noqdeen gacmo la iska adeegsado,gacmo kale iyo dano ayaa loo adeegsanaya sidda horay Jariidaha Caalamka u sheegeen in Muddo ka yar labo bilood la beegsado labo Gudoomiye gobol oo Puntland ah tuhun ayaan ka qabnaa baaritaanana waan wadnaa” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Muddo ka yar 2 bilood ayaa Qaraxyo ismiidaamin ah lagu dilay Gudoomiyeyaasha gobolada Mudug iyo Nugaal, waxaana Mas’uuliyada dilka sheegtay Al-Shabaab.