Guddoonka Baarlamaanka oo shacabka Soomaaliya ugu hambalyeeyey munaasbadda ciidda

0

Guddoomiyeyaasha labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya  ayaa shacabka Soomaaliyeed u diray hambalyo ku aadan munaasabadda ciidul Fidriga,iyagoo  u rajeeyay dembi dhaaf iyo caafimaad.

Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan guddoomiyaha golaha Shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya oo ka hadlay munaasabadda ciidda ayaa shacabka Soomaaliyeed u rejeeyey in alle uu dembi dhaaf siiyo,acmaashoodina uu ka aqbalo.

Sidoo kale guddoomiyaha golaha Aqalka Sare mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa shacabka Soomaaliyeed la qeybsaday hambalyada ciidda,wuxuuna alle uga baryay bash bash iyo barwaaqo.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa xusay in shacabka Soomaaliyeed looga baahanyahay in ay iscaawiyaan,islamarkaana ka wada shaqeeyaan horumarkooda.