DHAGEYSO:-Ciidamada Ammaanka Oo Howlgallo Ballaaran Ka Sameeyey Baraawe

0

Guddoomiyaha maamulka degmada Baraawe ee gobolka Shabeelaha, Cumar Sheekh Cabdi  ayaa ka warbixiyey howlgallo ammaanka lagu sugayey oo ciidamada dowladda ay ka sameeyeen gudaha iyo duleedka magaaladaasi.

Cumar Sheekh Cabdi ayaa sheegay in baaritaanadaasi ay ahaayeen kuwo lagu xaqiijinayo nabad-gelyada, islamarkaana haatan amniga degmada uu yahay mid wanaagsan.