Axmed Karaash oo ka soo horjeestey magacaabis uu sameeyay Madaxweyne Deni

0

Madaxweyne ku xigeenka Maamul Goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) ayaa ka horyimid wasiiro iyo wasiiro ku xigeenno cusub oo uu xalay magacaabay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

ku sheegay in aan la tashi lagala samayn magacaabidda wasiirada iyo wasiir ku xigeennada cusub sidaas darteedna ay baal-marsantahay Dastuurka iyo shuruucda u degsan Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa qoraalka ku beeniyay in lagala tashaday magacaabida wasiirada iyo wasiir ku xigeenada cusub ee uu Madaxweynuhu magacaabay.