Iska horimaad hubeysan oo ka dhacay degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo

0

Wararka ka imanaya degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka mid ah ururka Al-Shabaab inay weerareen Saldhig ay ciidamo Millateri ah ku lahaayeen degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo.

Dagaalkan oo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa walwal ku beeray dadka rayidka ah ee ku nool degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo.

Taliyaha amniga magaalada Buurdhuubo Nuur Kediye Ibraahim ayaa Warbaahinta Dowladda u sheegay inay ka hortageen weerarkii ay kusoo qaadeen Al-Shabaab,isla markaana ay khasaaro gaarsiiyeen.

Sarkaalkan ayaa sidoo kale sheegay inaysan jirin wax khasaare ah oo dagaalkaas ka soo gaaray ciidamada xoogga maadaama ay markii horeba ciidanku hayeen xogta tilmaamaysa in xubno Shabaab ah kusoo wajahan yihiin.