Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta oo qalab muhiim ah gaarsiisay Masaajidyo ku yaal Muqdisho

0

Wasiirka wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta Xildhibaan Sheekh Nuur Maxamed Xasan ayaa maanta gaarsiiyay codbaahiyeyaal & agabka ka hortagga COVID19 qaar ka mid ah 17 masjid oo laga soo xushay degmooyinka Gobolka Banaadir.

Wasiirka oo la kulmay khadiibyada iyo iimaamyada masaajidyadaas ayaa kala hadlay kahortagida cudurka safmarka ah ee Covid-19.

Wasiirka ayaa ugu baaqay dadka da’da ah in ay ku tukadaan salaadaha guryahooda maadaama ay yihiin kuwa u nugul halista caabuqa Corona.

“Waxaa u soo jeedinayaa in jameecada masaajidda ku tukanaysa uu qof kasta gurigiisa kala yimaado salli isla markaana loo hogaansanaado talooyinka caafimaadka sida kala fogaynta safafka & xerashada face mask” ayuu yiri wasiir sheikh Nuur.

Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta waxaa ay dadaal aad u wayn ku bixisay badbaadinta shacabka soomaaliyeed tan & markii uu dalka saameeyay caabuqa dilaaga ah ee COVID19.