Ra’iisul Wasaaraha JFS iyo Waare oo ka wadahadlay xaalada covid 19 ee Hirshabelle

0

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa guddoomiyay shirka Guddiga Qaran ee xakameynta covid 19 oo xalay  uu ka qayb galay madaxweynaha Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa waxaa uu  ka war bixiyay sida ay u socdaan dadaallada xakameynta Feyruska Corona iyo gurmadka fatahaadaha.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa sheegay in maamulkooda ay weliwadaan dadaalo lagu xakameynayo cudurka covid 19, isagoona sheegay in deegaanada Hirshabelle ay dad badan cudurkaasi ugu geeriyoodeen.

Sidoo kale waxaa uu ka hadlay fataahada webiga shabelle uu ka geysta deegaanada Hirshabelle, waxaa uuna sheegay in qoysas badan ay ka barakaceen gudaha magaalada Beledweyne,islamarkaana maamulka Hirshabelle ay u baahan yihiin gurmad deg deg ah.