Muwaadiniin Soomaali ah oo ku xayirnaa Nairobi oo dalka ku soo laabtay

0

Waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ka soo degtey diyaarad ay saarnaayeen muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xayirnaa dalka Kenya kadib markii la joojiyay duulimaadyada dalka imanaya.

Muwaadiniintan soo gaartay Muqdisho ayaa waxaa ay gaarayaan illaa iyo 114 ruux.
Dhammaan dadkan ayaa inta aysan ka soo bixin magaalada Nairobi laga soo baaray cudurka Coronaviruska.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa kusoo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Hase yeeshee waxaa weli ku xayiran magaalooyin badan oo ka mid ah caalamka muwaadiniin Soomaaliyeed.