Muuse Biixi”Ictiraaf raadinteena waxaan horgayndoonnaa maxkamadda caalamiga ah ee ICJ”

0

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay in ay kiiskeeda ictiraaf raadinta geyso maxkamadda caalamiga ah ee ICJ haddii wadahadalada Soomaaliya laga gaarin natiijada la doonayo.

Somaliland ayaa aaminsan inay Soomaaliya inteeda kale ka go’een bishii Maajo 19, sanadkii 1991, wixii ka dambeeyay dagaaladii sokeeye ee Soomaaliya, waxayna ku dhawaaqday inay tahay dowlad gaar ah.

Balse, tan iyo waqtigaas ma aqoonsanin bulshada caalamka, waxayna kamid tahay gobol ka mid ah Soomaaliya, oo sameystay maamul tanaaday.
Isniintiina, Madaxweyne Biixi wuxuu sheegay in Somaliland ay hadda qaadan doonto qaab ka duwan kan raadinta gooni-isu-taagidda.

“Ajandaha kaliya ee keeni kara wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya miiska wada hadalka ayaa ah mid salka ku haya laba dal oo ka wada hadlaya danaha labada dal iyo xiriirka wanaagsan ee deriska,” ayuu yidhi Biixi.

Isku daygii ugu dambeeyay ayaa ahaa Raiisel wasaaraha Itoobiya Abiy axmed oo ku guuleystey in labada hoggaamiye is gacan qaadaan inta lagu gudajiray kulan ka dhacay Itoobiya laakiin wax la taaban karo kama soo bixin kulankaas.