Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle oo booqday deegaano ay fatahaaduhu saameeyeen

0

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Gobolledka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta booqday deegaano ay fatahaaduhu saameeyeen ee ku yaal degmada Mahaday ee gobolka Sh/dhexe.

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen ayaa warbixino ka dhagaystay qaar kamid ah mas’uuliyiinta maamulka degmada Mahaday oo uu ka mid yahay guddoomiyaha degmada Mahaday Axmed Xuseen Afrax isagoo ugaga warbixiyay xaalada fatahaada iyo bulshada Ku go,doonsan deegaanada qaar ee ay biyuhu go’odoomiyeen.

Wafdiga uu horkacayay Madaxweyne ku xigeenka oo gudaha u geli waayay deegaanada ay ku sugan yihiin shacabka fatahaaduhu saameeyeen.

“Cid walba oo gacan ka geysan karta diyaar ayaan u nahay in aan soo dhoweyno oo aan ka caawino sidii dadka fatahaaduhu saameeyeen wax loogu qaban lahaa.”ayuu yiri Cali Guudlaawe Xuseen.

Sidoo kale waxa uu sheegay Madaxweyne ku xigeenku in ay bilaabi doonaan sidii dadka ku go’odoonsan loogaga soo saari lahaa oo meel banaan loo keeni lahaa.

Kumanaan qoys ayaa waxaa uu saameyn ku yeeshay fatahaado ka jira deegaano ka mid ah gobolka Sh/dhexe.