Madaxweynaha Puntland oo si rasmi ah isaga diiwaangeliyey urur Siyaasadeedka Kaah

0

Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa maanta si rasmi ah isaga diiwaan geliyay urur siyaasadeedka dowladda oo la magac baxay Kaah.

Madaxweyne Deni ayaa xarunta Ururka Kaah waxaa ku soo dhoweeyay Guddoonka KMG ee Ururka iyo qaar ka mid ah Xubnaha Ururka.

Urur Siyaasadeedka dowladda ee Kaah ayaa ka mid ah ururada siyaasadda Puntland, iyadoo markii u horeysay la filayo in Puntland ka hirgasho nidaamka xisbiyada badan oo lagu geli doono doorashada dowladaha hoose iyo kuwa dowlad goboleedka.

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa qorshayaashiisa siyaasadda waxaa ka mid ahaa inuu hirgelinayo nidaamka xisbiyada badan, waxaana muddo 7 bilood gudahood lagu soo magacaabay Guddiga doorashada KMG ee Puntland.

Guddiga doorashada KMG ee Puntland ayaa waxaa uu illaa iyo hada diiwaan geliyay illaa 17 Urur siyaasadeed.