Maamulka Gobolka Banaadir oo Hey’adda CIS kala wareegay agab loogu tala galay COVID-19

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Hey’adda CIS, iyagoo ka wada hadlay sidii Maamulka Gobolka Banaadir uga gacan siin lahaa dadaalada looga hortagayo cudurka Covid-19.

Duqa Muqdisho ayaa Agaasimaha Hey’adda CIS kala wareegay agab loogu tala galay in looga hortago faafitaanka cudurka saf mareenka ah ee Covid-19, waxaana agabkan lagu  guddoomay Xarunta dowladda Hoose.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxaa wehliyay Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir ee dhanka Howlaha Guud Cumar Cali Cabdi.

Agaasimaha Heyadda CIS ayaa balan qaaday garab istaag uu u muujinayo Shacabka ku nool Magaalada Muqdisho gaar ahaan daka danta yar oo wajahay dhibaatooyin kala duwan oo dhanka nolosha ah.

Guddoomiye kuxigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Cumar Cali Cabdi ayaa sheegay in Heyadda CIS ay kala wareegeen qalab jeermis dilo ah,kaas oo loogau talo galay ka hortaggo Cudurka COVID-19.