DFS oo sheegtay in shabeelada hoose lagu dilay madaxii canshuuraadka Al-Shabaab

0

Ciidamo ka tirsan militariga Soomaaliya gaar ahaann kuwa Kumaandooska Danab ayaa Howlgal Qorsheysan oo ay ka Fuliyeen Deegaanka Leego waxay ku dileen sarkaalkii  Canshuuraha Al-shabaab u qaabilsanaa Degmada Wanla-weyn Abuu Haashim iyo Labo kamid ah ilaaladiisa.

Taliyaha Guutada 16aad ee Kumaandooska Danabad G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin oo la hadlay warbaahinta ku hadasha afka ciidamada qalabka sida ayaa waxaa uu sheegay in howlgalka uu yimid kadib markii cabasho ay ka timid dadka shacabka ah ee wadadaasi isticmaalo.

Taliyaha ayaa waxaa uu sheegay in ay bur buriyeen xarumaha Al-Shabaab ay ku qaadi jireen Canshuraha, isagoona shaaca ka qaaday in ay dileen dagaalamayaal iyo saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

Sidoo kale taliyaha ayaa waxaa uu sheegay in ay sii wadi doonaan howlgalka ka dhanka ah dagaalamayaasha Al-Shabaab.