AKHRISO:- Maamulka Somaliland oo joojiyay qabashada munaasabadaha Ciid-ul-Fitriga

0

Wararka ka imanaya magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Somaliland ayaa sheegaya in Maamulka Somaliland uu mamnuucay in meel fagaare ah si wadajir ah loogu tukado salaada Ciidda isla markaana la qabto xafladaha ciidul fitriga.

Kulan ay yeesheen guddiga wacyigelinta iyo xakamaynta Coronavirus ee maamulka Somaliland uuna ka qeybgalay Madaxweyne kuxigeenka Soomaaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Seylici ayaa laga soo saaray go’aamo ku saabsan Maalmaha Ciida.

Go’aamada Guddiga ay soo saareen ayaa waxaa kamid ah in Milkiilayaasha goobaha carruurta ku ciyaaraan lagu amray inaysan furin goobahaas, iyo in sidoo kale la joojiyo isku socodka dadka iyo gaadiidka aada gobolada kala duwan ee Somaliland muddo laba maalmood ah.

Shacabka ku nool deegaanada Somaliland ayaa loogu baaqay in qof walba gurigiisa uu ku sugnaado maalmaha cidda si loogaga hortago in dad badan uu ku dhaco cudurka Covid-19 oo illaa toban ruux ku diley Somaliland.

Hase yeeshee Maamulka la magac baxay Somaliland ayaa dib u fasaxay keenista qaadka iyo ka ganacsigiisa iyadoo hore loo mamnuucay.