AKHRISO:- Guddoomiye ku xigeenka degmada Jowhar oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Jowhar

0

Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Maaliyadda Maamulka degmada Jowhar Ismaaciil Warsame Faarax ”Webi” ayaa ku dhaawacmay weerar bambaano oo lagu qaaday hotel ku yaal magaalada Jowhar.

Weerarkan oo dhacay fiidnimadii caawa ayaa ka dhacay Hotel Saffa oo ka mid ah hotelada ugu waaweyn magaalada Jowhar.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in bam laga soo tuuray dhabarka dambe ee hotelka uu ku dhacay meel ku dhow goob uu fadhiyay guddoomiye ku xigeenka degmada Jowhar Ismaaciil Warsame isagoo soo gaaray dhaawac fudud.

Weerarkan bam ayaa ah kii labaad ee waxyeelo geysta oo ka dhaca magaalada Jowhar toddobaad gudihiis.

Afartii bishan ayaa waxaa uu ku qarxay meel dadku ay ku nastaan bam waxaana ku dhintey hal ruux oo rayid ah halka ay dhaawacyo ka soo gaareen dad ku dhow toban ruux oo uu ka mid ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Hirshabelle.

Ammaanka magaalada Jowhar ayaa sii xumaanaya xilli ay ku sugan yihiin madaxda ugu sareysa ee dowlad goboleedka Hirshabelle.