Jubbaland oo shacabka uga digtay in ay tagaan xeebta Kismaayo iyo goobaha ganacsiga

0

Iyadoo ay weli socdaan dedaallada looga hortegayo islamarkaana looga
gaashaamanayo cudurka Corvid-19 ayaa Ciidanka Booliska Dowlad
Goboleedka Jubbaland waxay dhaqan geliyeen awaamiirtii ay dhowaan soosaareen Guddiga Jubbaland u qaabilsan ka hortagga iyo u diyaar garoowgacudurka Corvid-19, iyagoona gebi ahaanba kala diray dadkii isugu yimid goobaha inta badan la isugu yimaado ee magaalada Kismaayo.

Ciidanka ayaa tagey dhowr goobood oo inta badan bulshadu isugu timaado,
waxaana kamid ah goobahaas Maqaaxiyaha lagu shaaho iyo Xeebaha
magaalada Kismaayo.

Taliyaha qaybta Booliska gobolka Jubbada Hoose Maxamed Naasir Guulleed Xassan ayaa dadka hortooda ka sheegey in ciddii lagu helo iyadoo burineysa awaamirtii gudigga ka hortagga iyo u diyaar garowga cudurka Corvid-19 aytallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonaan.

Taliyaha ayaa farey bulshada Jubbalaand gaar ahaan kuwa ku dhaqan
magaalada Kismaayo in ay ku negaadaan guryohooda badalkeey isugu imaan lahaayeen goobaha la isugu yimaado taas oo uu ka dhalan karo ama lagu kala qaadi karo cudurka Corvid-19.