Howlgal Qorsheeysan Oo Ka Dhacay Deegaano Ka Tirsan Gobolka Galgaduud

0

Ciidamada Nabad Sugida iyo sirdoonka qaranka ee NISA  iyo ciidamada  Boliska Galmudug  ayaa howlgal qorsheysan waxa ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud iyada oo sarakiishu ay ka hadleen howlgalkaas.

Howlgalkaan qosheysnaa ayaa ciidamada  Amniga waxaa xalay ay ka sameeyeen  Degmada Baxdo ee Gobolka Galgaduud iyo deegaano kale oo hoostaga degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Saraakiisha ciidamada ayaa Warbaahinta u sheegay in u jeedada laga leyahay howlgalkaan in uu ahaa xaqiijinta amniga deegaanada mamaulka Galmudug sidoo kalana waxa ay tilmaameen in ay sii wedi doonaan.