Hay’adda Caafimaadka Addunka Ee WHO Oo Dalbatay Inaan La Siyaasadeyn Fayraska Covid-19

0

Madaxa hay’adda Caafimaadka Adduunka ee (WHO) ayaa ku baaqay midnimo, xilli ay hay`addu cambaareyn joogto ah kala kulmeyso Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Mar uu shalay qabtay shir jaraa’id, Agaasimaha Guud ee WHOS, Tedros Adhanom Ghebreyesus, wuxuu difaacay shaqada WHO wuxuuna ku baaqay in la soo afjaro siyaasadeynta fayraska Covid-19.

Mr Trump ayaa sheegay inuu ka fekeri doono in Mareykanka uu jaro dhaqaalaha uu siiyo hay`adda.

Wuxuu ku eedeeyay WHO inay “la safan yihiin Shiinaha”, wuxuuna sheegay in hay`addu ay ka gaabisay waxqabadkeeda xanuunka safmarka ah.

Dr Tedros ayaa beeniyay hadalka madaxweynaha, wuxuuna sheegay inay u dhow yihiin dal walba oo aysan cidna gaar u xigsan.