Guddoomiye Najax oo sheegay in cadaalada la horkeeni doono dadka dhibaatada ka geysta Wanla weyn

0

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Shabeellada Hoose,saraakiisha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida iyo Odayaasha dhinac kamid ah kuwa ku dagaalamay degmada Wanla weyn ayaa kulan aan caadi aheyn ku yeeshay degmadaasi.

Kulanka ayaa waxaa uu ahaa mid Guddiga isku dhafka ah ee Dowladda dhexe iyo Maamulka Koonfur Galbeed ay su’aalo ku weydiinayeen Odayaasha labada dhinac Mashaqadii ka dhacay Wanlaweyn iyo Tuulooyinka hoos yimaada.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa ka dalbaday Odayaasha dhinacyada ay colaada dhex-martey inay ka fogaadaan waxkasta oo abuuri karta xasilooni daro

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale Waxaa uu sheegay in iyagu ay doonayaan cadaalad,isla markaana cidkasta oo dambi ka gashay dadka Shacabka ah ay Cadaaladda horkeeni doonaan.

Sidoo kale Odayaasha labada dhinac ayuu ugu baaqay inaysan gadaal marsan dadka dambiilayasha ah ee dhibaatada ka hurinaya degmada Wanla weyn