Cumar Filish “Waa dhab cudurka Coronavirus Muqdisho waa soo gaaray, dad aan garanayo ayaa u dhintay”

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud (Filish) ayaa mar kale ka digay khatarta cudurka Coronavirus, isagoo ugu baaqay shacabka in aanay fududeysan cudurka Coronavirus oo ah cudur halis ah oo adduunka oo dhan saameeyay.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa sheegay in magaalada Muqdisho uu ku jiro cudurkan, waliba dad uu garanayo ay u dhinteen, qaarna ay u ildaran yihiin, waxaana uu ugu baaqay dadweynaha inay qaataan talooyinkii la siiyay.

“Runtii magaalada Muqdisho waxaa laga yaabaa dadka in aysan ka warqabin, waa soo gaaray cudurkaas, dad badan ayaa u ildaran, qaar waa u dhinteen aniga garanayo waa u oo aan dibad ka imaan dalkooda joogay, ayaa ku dhintay oo qaar la aasay, qaarna aan wali la aasin arrintaas waa halis si fudud loo kala qaadi karo, sidaas darteed talooyinka dhaqaatirita bixinaya in la qaato ayaa muhiim ah”ayuu yiri Guddoomiye Cumar Filish.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay inay nasiib darro iyo niyad jab tahay in dadka ay u heystaan cudurkaas inuu been iyo waxba kama jiraan yahay, waxaana uu xusay in aanay dadka waxba uga sasabaneyn inay been u sheegaan, balse loo baahan yahay dadka inay qaataan talooyinka la siiyay.

“in aad tirahaadeen waa been waxba kama jiraan waa niyad jab, waa dhab waa jiraan, ma jiraan wax aan idin ka sasabaneyno in aan been idin sheegno haddii bulshada dhib idinla soo gudbaanaado halista ku jirto magaalada waa murugo waa dhab waa jirtaa in aysan faraha ka bixin waxaa la rabaa in aan la isu dhowaan, in aan guryaha laga soo bixin inta karaanka ah in afka la duubto, in si joogto gacmaha la dhaqo”ayuu yiri Guddoomiye Cumar Filish.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa shalay xaqiijisay in qofkii u horeeyay inuu u dhintay cudurka Coronavirus, kaasoo ahaa nin 58 jir ah oo maalmihii u dambeeyay ku xanuunsanayay magaalada Muqdisho, isla markaana aan dalka ka bixin.