17 Xildhibaano Kenyan Looga Shakisan Yahay COVID 19

0

Kulan Khaas ah oo ay Xildhibaanadda Barlamaanka dalkaasi shalay yeelan lahaayeen ayaa la baajiyey, iyadoo laga digay Infekshin-wadareedka COVID 19.

Wasaaradad Caafimaadka ee dalkaasi ayaa la sheegay inay ka digtay khatartaasi, sida uu Wargeyska The Nation soo ogaaday.

Ilo-wareedyo ku sugan dhismaha Barlamaanka Kenya ayaa u sheegay Wargeyska The Nation in digniintaasi soo baxday, ka hor intaysan Wasaaradda Caafimaadka soo saarin Natiijadda baaritaano lagu sameeyey dhamaan 50 Xildhibaan.

Warar aan weli la xaqiijinin, balse laga soo xigtay ilo kala duwan ee gudaha Barlamaanka Kenya ayaa muujinaya in ugu yaraan 17 Xildhibaan oo ka mid ah 50-ka Xildhibaan ee la baaray noqdeen kuwo laga helay Fayriska.

Balse, Hoggaamiyayaasha Barlamaanka dalkaasi oo uu ku jiro Guddoomiyaha, Justin Muturi waxa uu Warbixintaasi ku sifeeyey sidii War been ah (as Fake News).

Guddoomiyaha oo la hadlay Wargeyska Tha Nation waxa uu sheegay in Natiijadda Baaritaanadda in Xildhibaanadda si gooni-gooni ah loo siiyey.

Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Barlamaanka Kenya, Aadan Barre Ducaale waxa uu beeniyey Warbixinta lagu sheegay inay jiraan Xildhibaano laga helay COVID 19.

“Aniga kama war hayo, waxaana u maleynayaa inay iska tahay Sheeko Xariired oo kale” ayuu sii raaciyey Aadan Barre Ducaale.

Wasiirka Caafimaadka dalkaasi, Mutahi Kagwe waxa uu horey u shaaciyey in 14 kiisas cusub ah laga helay Xildhibaanadda dhexdooda, lagama soo xiganin in tirada kiisaska gaarayso 17-Xildhibaan.

Si kastaba ha ahaatee, Farriimo SMS oo loo kala diray Xildhibaanadda Barlamaanka Kenya, waxa uu Guddoomiyaha Golahaasi sheegay inuu baaqday Kulan Khaas ah oo ay Xildhibaanadda maanta oo Arbaco ah yeelan lahaayeen.

Bishan April 14-da ayaa la rajeynayaa in dib loo furo Fadhiga Xildhibaanadda Barlamaanka Kenya.