QORMO:NABADSUGIDA SOOMAALIYA OO SOO CESHATAY SHARAFKEEDII KUNA RAAD JOOGTA CADAWGA QARANKA

0

Dalwaliba wuxuu leeyahay ciidan illaaliya,nabad galyada dalka gudaha iyo dibadaba oo ka hortaga dhagaraha qarsoon xiliga lajoogo iyo kuwa soo socda mustaqbalka. waxay shaqeeyaan habeen iyo maalin,waxayna ka hawlgalaan dal iyo dibad. waxay joogaan guri iyo goob walba oo bulsho kabadan 2 qof ku sugantahay. waxay ku jiraan culimada diinta oo masajiday fadhiyaan,waxay ku jiraan ardayda oo iskoolada iyo jaamacaadkay fadhiyaan,waa macalimiin,waa oday dhaqameed,waa hooyooyin,waa dhalinyaro wiilal iyo gabdho leh,waa taksiilayaal,waa basaslayaal,waa dukaan leey,waa bakhaaro leey, waa suuqleey,waa xoogsato,waa beeraleey,waa takhaatiir,waa mu adimiin, waa dilaaleey,waa ganaacsato nooc walba leh, qayb kamid ah bulshada oo aysan ku jirin ciidanka nabadsugida soomaaliyeed majirto. sababtuna waxaa weeye dalwalbaa sidaa ah waana ilaalinta dadka iyo dalka soomaaliya amaankiisa iyo ka hortaga cadawga noocyadiisa kaladuwan.

Nabad sugida soomaaliyeed xiligii dalkeenu dawlada ahaa ama kahoraysay intan ay ina asiibeen dagaalada sokeeye,waxaa dunidu farta ku fiiqi jirtay laba sirdoon,marka laga tago ruushka iyo maraykanka, waa sirdoonka yuhuuda iyo sirdoonka soomaaliya. waxayna ahayd nabad sugida soomaaliya mid xeeladoodu aad usarayso oo aan laga malaysanin dawlad afrikaan ah. waa taariikh cad oo qoran. waxay nabad sugida soomaaliya hortaagnayd in dalkeena haydo iska soo galaan oo ka adeegtaan kuwaas oo ah sirdoon iyo hayado samafal laakiin sirdoon dhex jiifo.

Intabadana sirdoonka dunidu waxay aad uuga faa iidaystaan hay adaha mucaawimada keena afrika iyo arimaha sama falka sida laan qayrta cas iyo kaniisadaha gargaarka fidiya sida cuntooyinka. si aad uxoogan sirdoonka dunidu waxay ku dhex jiraan bulshada rayidka waxa loogu yeero,wariyayaasha madaxa banaan waxa loogu yeero,iyo dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn waxa loogu yeero. si ahaan faaiido waa u leeyihiin oo waxbay bixinayaan laakiin intay gaysanayaan ayaa badan oo dhagar ah. waxaa xusid mudan in dalka ruushka 1991 uu burburay hantiwadaagiina meesha kabaxay,waa laga faa iidaystay laakiin rag baa u kacay putin uu hogaaminaayo oo dalkiisa difaacay. xili dhib xoogleh gaaray ruushka ayaa hay ada laan qayrta casi,cod satay in ay gurmad la soo gaaraan iyo gargaar dagdag ah! ruushku waa hadloo wuxuu yiri “Raashiya uma baahna jawaasiis!” waa hadal taariikhda galay reer galbeedna waa ka joogsadeen.

Aduunka cid wax bilaash ku bixisaa majirto.hadaba hay ada nabad sugida soomaaliyeed waxay bilawday 30 sanadood kadib in ay soo ceshato sharafkii lagu yaqiinay oo ay bilaabato cabsidii laga cabsan jiray!! waxayna durba soo dhajisay mid kamid ah raga lagu dabo jiro oo faraha kula jira arimo khatar galinaya amaanka dalkeena iyo dadkeena soomaaliyeed siday sheegeen nabadugudu. waxaana durba soobaxay dawlad ajinabi ah oo aynu saaxiibo nahay,oo ka hadashay arinkaa nabadsuguda soomaaliyeed ay wariye ku daba taagan yihiin,balse waxaa xudid mudan in aysan xusin kana hadlin arimaha khatarta ah iyo faldanbiyeedyo lagu haysto wariyaha,waayo awood ulaha in ay kahadlaan arin danbi nabadsugid haysato.

waxayse kugaabsadeen arin iska cadi ah oo la xariirta xirfad wariyenimo oo kaliya,mana ku dhacaan in ay intaa kabadan ka hadlaan iyo arimaha khatarta ku ah qaranka soomaaliyeed,dawlada maraykanka waa saaxiibka soomaaliya waxayna had iyo jeer dhisayaan oo tababarayaan ciidamadeena,meel baan wax uwada wadnaa laakiin u qaadan mayno hadalkooda wariyaha la xariira waxaan ka ahayn dublamaasiyad taana anagaa ku shaqayna oo waa dawlad iyo xaalkeed.

Dadka aan siyaasada ulahayn aqoonta oo ka dhacsan macnaha dawladnimada ayaa,safiir hadlay warkiisa ka argagaxa oo mooda u hiilin ama mooda ka soo horjeed. shalay qaar aa qayliyay markii safiirku sheegay in uu taageersan yahay oo u hambalyeeyay Qoorqoor oo lagu doortay dhuusamareeb madaxweyne GALMUDUG. qolooyinka sheegta mucaaradka ayaa arinkaa aad uga carooday oo ka argagaxay!! waxayna aflagaadeeyeen safiirka dawlada maraykanka. waxaysan fahmi karin dhanka siyaasadu ka jirto oo u socoto. Qoorqoor waa soomaali jooga dalkiisa dadkiisaana doortay intaas mafahmi karaan,safiirkuna wuu u hanbalyaynkaaraa maxaa ku jaban?

Nimankii shalay qaylinaayay,ee safiirka maraykanka ku dhaganaa oo habaartamaayay,ayaa maanta markuu yiri nabad sugida ninkaas wariyaha ah waa wariye xirfadle ah oo wanaagsan warkay kasoo qoreen isagoo tixraacaaya. ayaa mucaaradkii waxay bilaabeen duco ay u ducaynayaan safiirka maraykanka oo ay leeyihiin illaahoow karoonaha fayruska ah ee dilaaga ah kabad baadi safiirkaa markaykan!!! waxay marlabaad u haystaan waxtar iyo in uu markaan u hiiliyay iyaga. aqoonta wuxunbaad barataa hadaad dadaasho laakiin sikasta hadaad yeesho waligaa cagliga intii lagaa siiyay kabadan helimaysid. lama gato oo lama barto oo lama kasbado caqliga hibo weeye iyo qaybtii illaahay kusiiyay. dad leh siyaasad baan galaynaa oo bari umad in aan matalo ayaan rabnaa taagaas isle,sidaa ayaa kuwareersan hadal safiir oo marna ka xanaaqi marna ku farxaya!

Dabagalka iyo xididada usiibida hay adaha laynagu dhexbeeray,iyo noocyada cadaw ee dalkeena arimihiisa faraha kula jira waan idinku hanbalyaynaynaa hadaanahay shacabkii soomaaliyeed gudashadaa waajibkiina iyo soo celintaa haybadiinii nabad sugudeed ee luntay 30 sanaood kahor. sharaf weeye in dawladaha aduunku ka calaacalaan sarayntiina iyo khibradiina nabadsugideed ee yaabka leh. waa markii labaad ee dawlado ajinabi ah ka hadlaan noocyada kala duwan ee ciidan ee soomaaliyeed kadib markay kenya ka dacwootay ciidamada xooga soomaaliyeed haramcad,iyo hada oo maraykan iyo ruush hadal hayo awooda nabadsugida soomaaliyeed ee xawliga ku socota. waa sharaf iyo raganimadii soomaaliyeed oo istaagtay waa tix galin iyo nin walbaa in uu ka baqaayo in uu faro galiyo arimaha soomaaliya kadibna ceebtiisa banaaka lasoo dhigo.

waxaan arkaa in aad tirtiraysaan oo daba galaysaan cadawga gudaha oo aad sugaysaan si dadkeenu u helaan nabad iyo xasilooni dalkeenuna u noqdo dalalka caalamka uugu nabada badan siduu shalay ahaan jiray oo kale.shaqo fiican baad haysaan oo anfacaysa jiilasha danbe ee dalkeaan dhaxli lahaa iyo dadka hada noolba waxaadna tihiin geesiyaal aan ku aamin qabno waana hubaa in aad cidwalba sanka ka duraysaan oo aad edbinaysaan. waxaadna helaysaan aduunka sharaf iyo nolol fiican aakhirana janadii fardawsaad galaysaan maxayeelay diintii iyo dadkii iyo dalkiinii baad u hiilinaysaan oo difaacaysaan tanaad ku galaysan janada. diiniyana waa waajib in qofku difaaco dalkiisa.

Hadafkeenu waa soomaaliya oo dawlad ah nabad ah leh halmadaxweeyne,hal caasimad MOGDISHO, hal calan,hal umad,waxaanu nahay isku diin,isku diir,isku isir,isku dad,isku af,isku dal,isku dhaqan,laynamana kala qaadi karo oo laynama kala qaybin karo. dalkeenu waa barwaaqo inagaa leh oo ah soomaali,waa in caruurteenu helaan nabad iyo nolol wakaa hadafkeenu.

W/Q Yuusuf Cumar