Mas’uuliyiin katirsan Galmudug iyo Odoyaal dhaqameed waan-waan ka bilaabay Waqooyiga Galgaduud

0

Deegaanka Furinta Foora ee waqooyiga Gobolka Galgaduud, dhanka kalena xigta Soohdinta Soomaaliya iyo Itoobiya oo maalmo kahor ku dagaalameen labo maleeshiyo beeleed waxaa ka bilawday kulamo xal loogu raadinayo dagaalkaas.

Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug, Xildhibaanno iyo qaar kamid ah Wax-garadka labada Beel oo gaaray Deegaanka waxa ay bilaabeen waan-waan lagu doonayo in lagu kala qaado maleeshiyaadka dagaalamay, kadibna loo guda galo wadahadalka.

Maanta waxaa Furinta Foora tagaya Odoyaal kale oo ku biiraya gogosha dib u heshiisiinta maleeshiyo Beeleedyada, waxaana xalay deegaanka ka dhacay kulan hordhac ah oo ay yeesheen Waxgaradka, waxaana ay isaga xogwareysteen waxyeelada dadka gaartay.

Deegaanka waxaa ku sugan Ciidamo ay amreen in ay tagaan Furinta Foora Madaxda Galmudug, si ay u kala dhexgalaan maleeshiyo beeleed maalin kahor dagaalantay, iyo sidii loo dhalin lahaa xasilooni sabab u noqota dib usoo laabashada qoysaska barakacay.