Ku dhawaad 2,000 oo ruux oo hal maalin Coronavirus ugu geeriyootay Mareykanka

0

Dowladda Mareykanka ayaa diiwaan galisay tiradii ugu badbeyn ee maalin qura cudurka Coronavirus ugu geeriyootay gudaha dalka Mareykanka.

Tirada dhimashada ayaa gaartay Talaadadii lasoo dhaafay 1,736 ruux, taas oo ah tii ugu badneyn ee maalin qura la diiwaan galiyo, tan iyo markii uu bilawday xanuunkan saf mareenka ku noqday dunida oo dhan.

Tirada guud ee dadka cudurka Coronavisur ugu geeriyootay dalka Mareykanka waxa ay gaartay 12,722 kun oo ruux, sida laga soo xigtay jaamacadda Johns Hopkins.

Kiisaska xanuunkan ee lagu arkay gudaha dalka Mareykanka ayaa gaaraya 398,000 oo kiis, tiradaas oo ah tan ugu badan ee dadka uu xanuunkan ku haleelay dunida.

Guud ahaan caalamka dadka uu soo ritay xauunka Coronavirus/ COVID-19, waxaa tiradooda lagu sheegay 1.4 milyan oo ruux.