DHAGEYSO:-Sheekh Shariif oo Sheegay in aan La Aqbali Karin Dagaalo Beleedyadda

0

Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Madaxweynihi hore mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay dagaallada sokeeye ee ka soo cusboonaaday gobollada Galgaduud, Baay, Sh/hoose iyo Jubada hoose.

Sheekh Shariif ayaa ugu baaqay dadka walaalaha ah ee wada deggan inay ka waantoobaan dhacdooyinkii argagaxa lahaa ee maalmihii dambe lagu arkayay baraha bulshada oo dad la gubay ay ka muuqdeen.

Sheekh Sharif ayaa sidoo kale aad u cambaareeyey falkii kufsiga ahaa ee carruur seddex iyo afar jir ah loogu geystay degmada Afgooye, gaba gabadii wuxuu si’ qotta dheer uga sheekeeyey halista cudurka Coronavirus iyo muhiimadda ay leedahay in la qaato talooyinka dhaqaatiirta.

Hadalka Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Madaxweynihi hore mudane Sheekh Sshariif Sheekh Axmed ayaa kusoo aadaya xili  maalmihii aynu soo dhaafnay ay dagaalo ka dhacayeen Degmadda Walanweyne iyo Meel galbeedka kaga beegan Magaalada Kismaayo kuwaasi oo u dhaxeeyay dad walaalo.

Dagaalada ka dhacay Degmadda Walanweyn ee Gobolka Shabeelaha hoose ayaa geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacay,waxaana dhacdooyinka laga soo wariyay qeyb ka ah dad in la dilo kadibna la gubaayo.