DHAGEYSO:-Maxkamadda ciidamada oo amar kasoo saartay dagaal beeleedka Wanllaweyn

0

Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo dhawaan gaaray degmada Wanllaweyn ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa si caro leh uga hadlay dagaaladii ka dhacay gudaha iyo daafaha degmadaas, kuwaas oo laga soo weriyey falal argagax leh.

Guddoomiye Shuute iyo raraakil kale oo ka socotay garsoorka ayaa kulamo la yeeshay maamulka degmada iyo odoyaasha dhaqanka, waxayna u sheegeen in aan loo dulqaadan karin falalka arxan darrada ah ee ka dhacay halkaas.

Guddoomiyaha ayaa ku goodiyey in cadaaladda la hor keeni doono dadkii geystay falalkii argagaxa lahaa ee ka dhashay dagaal beeleedkaas, isla markaan ay sidaas darteed u gaareen Wanllaweyn.

Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida Shuute ayaa amray ciidamada dowladda kuwoodii dhowaan la geeyey Wanllaweyn in ay so qabtaan ama dilaan maleeshiyaadka weli ku howlan dhibaatada dagaal beeleedkii halkaas ka dhacay.

“Ciidamada Danab ayaan u dirnay Wanlaweyn, waxaana amarnay in ay tallaabo ka qaadaan dadka ku lugta leh dagaal beeleedyada dhacdooyinka naxdinta leh ee laga dhaxlay, waxaan sidoo kale amarnay in nolol ama geeri ay ku keenaan, shaqsiyaadka dhibaatada wada, xitaa waxaa uu amarkaan taabanaa dadka difaacaya oo ay ugu horeeyaan odayaasha dhaqanka” ayuu yiri Shuute

Gudaha iyo duleedka degmada Wanllaweyn ee gobolka Shabeellada hoose, waxaa maalmihii lasoo dhaafay dagaal beeleed aad u qaraar, waxaana meelaha qaar la gooracay oo hadana la gubay dad birimageydo ahaa, taas noqotay mid aad looga argagaxo.

Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamo kala dhex gala u dirtay dadka maleeshiyo beeleedyada ay dirirtaasi dhex martay, waxaana haatan Wanllaweyn ka socota sidii loo dhemeyn lahaa radadkii xanuunka badnaa ee dadka deegaan ay ku abuurtay colaadaas.