DFS oo hal sabab u xirtay xuduuda Soomaaliya iyo Kenya

0

Waxaa gabi ahaanba la xiray xuduuda uu gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya uu la wadaago dalka Kenya, waxaana hakad la geliyey isku socodka gadiidkii u kala gooshi jiray xuduudka labada dal.

Guddoomiyaha degmada Beled-Xaawo Axmed Barre Sheekh ayaa warbaahinta u sheegay in go’aanka lagu xiray xuduuda uu yahay mid ay uga hor tegayaan cudurka Coronavirus oo laba kiis shalay laga helay magaalada Mandhera oo aad ugu dhaw Beled-Xaawo.

Guddoomiyaha Beled-Xaawo Axmed Barre ayaa sheegay in ay walaac xoog leh ka qabaan kiisas la xariira cudurkaas ee laga helay magaalada Mandheera oo uu sheegay in labada magaalo ay wax badan wadaagaan, bulshada ku noolna ay is dhex galaan.

Axmed Barre ayaa dadka reer Beled-Xaawo ugu baaqay in ay taxadaraan, maadaama magaalo aad ugu dhaw laga sheegay kiisas la xariira Coronavirus.

Guud ahaan tirada dadka uu ku dhacay cudurka COVID-19 gudaha dalka Kenya waxay gaarayaan 172 qof, sida lagu sheegay tira koobka wasaaradda caafimaadka Kenya.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale shaacisay kiisas la xariira cudurkaas, waxaana warbixin shalay kasoo baxday wasaaradda caafimaadka Soomaaliya lagu sheegay in tirada guud ee dadka uu ku dhacay Corona ee gudaha dalka ay gaareyso 8 ruux, laba ka mid ah waa ajaaniib, hal ka mid ah gudaha dalka kama  bixin, halka inta kalena la karaantiilay xilliga ay kasoo laabteen safarro dibadda ah.