Dawlada Itoobiya oo xaalad degdeg ah kusoo rogtay dalkeeda

0

Warar aan helayno ayaa sheegaya in maanta xaalad deg deg ay ku dhawaaqday xukuumadda Itoobiya, taas oo lagu soo rogayo gebi ahaanba dalkaasi.

Raysal wasaaraha dalkaasi Itoobiya Abiy Axmed ayaana xaalad deg dega ah ee ay soo saartay xukuumaddiisu waxa uu la wadaagay warbaahinta, kadib kulan looga arrinsanayo cudurka Covid19 oo maanta ka dhacay dalka Itoobiya.

Arrintan ayaa ku soo aadaysa xilli ay xukuumadda Itoobiya soo wajahday cabsi xooggan oo la xiriirta cudurka Coronavirus, maadama dad badan laga helay dalkaasi, iyadoona marba marka ka dambeysa ay sii kordhayso kiisaska laga helayo ee Covid19 dalka Itoobiya, iyadoo tallaabadan ay xukuumaddu uga hortagayso inuu dalka kusii fido