Ciidamo ka tirsan AMISOM oo qarax lagula eegtay Shabeellada dhexe

0

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellada dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in maanta ciidamo ka tirsan hawlgalka AMISOM qarax lagaula eegtay inta u dhexaysa magaalooyinka Jowhar iyo Balcad ee gobolkaasi.

Wararka ayaa waxa ay intaa ku darayaan in qaraxu uu ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso, iyadoo haleeshay in ciidamadan u dhashay Burundi ee qaybta ka ah hawlgallada Midowga Afrika ee AMISOM, xilli ay marayeen deegaanka Golaley.

Ciidamadan ayaa ku wajahnaa magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabeelle iyagoo ka ambabaxay degmada Balcad, waxaana masuuliyada qaraxaasi sheegtay dagaalamayaasha Al-Shabaab.