AKHRISO:- Taliyaha Qaybta Gobolka Karkaar oo komeeray Ciidamo Tababar u dhamaaday

0

Taliyaha Qaybta Gobolka Karkaar Cabdiqaadir Jaamac Dirir oo uu weheliyo Duqa Degmada Qardho Cabdi Saciid Cismaan ayaa safar shaqo ku tegay deegaanada miyigga iyo tuulooyinka hoos yimaada Magaalada Qardho, ujeedada safarkaan ayaa salka ku hayay 3 arimood oo kala ah:-

1: Sidii bulshada looga wacyi-gelin lahaa dhibaatada uu leeyahay cudurka Carona-Virus, Si gaar ah waxaa looga wadda-hadlay Talaabooyinka ay dawladu qaaday ee ay ugu hortagayso cudurkaan oo ay ugu horayso joojinta qaadka.

2: Ilaalinta deegaanka maadama la galay waqti barwaaqo ah, Waxaana loo sheegay dadka reer guraaga ah in la mamnuucay kaamamka, Baabuurta wararaclaysa, Dhuxusha sidoo kale qaar ka mid ah dooxooyinka la xirmeeyay.

3: Sidii dawlada iyo Bulshadu ay uga wada-shaqayn lahaayeen Amniga iyo Horumarka.

Maamulka ayaa dhankooda shacabka ka dhagaystay baahiyaha jirra iyo waxyaabaha muhiimada u leh ee ay tabayaan.

Dhanka Kale Gudoomiyaha ku xigeenka Gobolka Karkaar Cabdicasiis Yuusuf Caamir oo hawlo shaqo u joogay deegaanada hoos yimaada Degmada Rako-raaxo oo ay weheliyaan Maamulada degmooyinka Qardho iyo Rako ayaa la kulmay Shacabka iyo Odayaasha deegaanka Qalwo halkaas oo dhawaan dawladu ay ka xirmaysay dooxooyin loogu talagalay in xilliga abaarta ah laga faaiidaysto.