AKHRISO:- Faahfaahin Qarax ka dhacay Bosaaso

0

Qarax ka dhacay Magaalada Boosaaso ayaa sababay dhaawaca ku dhawaad 9 qof oo shacab ah iyo hal askari oo ka tirsan ciidamada Amaanka.

Qaraxa ayaa dhacay xilli ciidamada amaanka ay ku jireen howlgalka bandowga ee Magaalada kaasi oo bilowda salaada maqrib ka dib.

Qaraxa waxaa uu ka dhacay wadada dheer ee dhex marta bartamaha Magaalada agagaarka Ex Hotel Nakhiil

Goobaha caafimaadka ayaa xaqiijiyay in dhaawacyada qaar ee la geeyay ay qabaan dhaawacyo sahlan marka laga reebo hal qof oo xaaladiisu culustahay

Weli ma jirto faahfaahin ka soo baxday laamaha amaanka Puntland oo ku saabsan qaraxa.