Mareykanka oo shaaciyay inuu duqeyn ku dilay Hoggaamiye sare oo ka tirsan Al-Shabaab

0

Taliska Ciidamada Mareykanka Qaaradda Afrika ee loo yaqaano AFRICOM ayaa war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in duqeyn dhacday 2-dii bishan April lagu dilay Hoggaamiye sare oo ka tirsan Al-Shabaab.

War saxaafadeedka Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in ninka lagu dilay duqeyntaasn Yuusuf Jiis oo ahaa Hoggaamiye sare oo ka tirsan Ururka Argagixisada Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM Jeneraal Stephen Townsend ayaa sheegay in shaqsin uu ahaa hoggaamiye muhiim ah oo Al-Shabaab ka soo qabtay jagooyin kala duwan, kana mid ahaa aas aasayaasha Ururka.

“Shaqsigan wuxuu ahaa hogaamiye muhiim u ahaa Ururka Al-Shabaab, wuxuu ahaa nin arxandaran, rabshada badan, mas’uulna ka ahaa nolosha dad badan, dilkiisa waxay ka dhigeysaa Soomaaliya iyo dalalka deriska ah mid nabad ah”ayuu yiri Jeneraal Stephen Townsend.

Duqeynta lagu dilay Hoggaamiyahan ayaa ka dhacday agagaarka deegaanka Bush Madina oo ka tirsan Gobolka Baay, waxaana qiyaastii 135 Mile galbeed kaga beegan tahay magaalada Muqdisho.

Tan iyo horraantii bishan Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana 6-dii maalmood ee u dambeysay duqeymo laga fuliyay Gobolada Baay, Shabeellaha Hoose iyo Jubadda Dhexe.