Dab Xoogan Oo Ka Kacay Goobo Ganacsi Oo Ku Yaalla Muqdisho

0

Dab xoogan ayaa Goordhaweyd waxaa uu ka kacay goobo Ganacsi oo ku yaalla Magaalada Muqdisho gaar ahaan Isgoyska KM-4 dhinaca wadada aada Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Dad goobjoogayaal ah  ayaa waxaa ay u sheegeen in Dabka marka hore uu ka bilowday kaalin lagu iibiyo Shidaalka, isla markaana uu kusii faafay goobo kale oo ganacsi iyo Maqaayado ka Agdhawaa Xarunta.

Sidoo kale goobaha uu dabka ka kacay ayaa waxaa ka socda dadaalo xoogan oo lagu deminayo dabkaas, waxaana halkaas gaaray gaadiidka dab demiska Maamulka Gobolka Banaadir iyo kuwo si gaar ah loo leeyahay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Soomaaliya ayaa xiray aaga uu dabka ka kacay, iyagoona amniga sugaya, waxaana halkaas buux dhaafiyay boqolaal ruux oo shacab ah.