DAAWO:-Dowladda Soomaaliya Oo Shaacisay In Dalka Lagu Baari Doono Cudurka COVID-19

1

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa Maanta shaacisay in dadka lagu arko Calaamadaha Cudurka halista ah ee Coronavirus lagu baari doono Sheybaarka Qaranka ee Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Fowsiyo Abiikar Nuur oo warbaahinta la hadashay ayaa waxaa ay sheegtay in Sheybaarka Qaranka uu si rasmi ah u shaqo bilaabay, isla markaana wixii Maanta ka bilowda dadka looga shakiyo COVID-19 lagu baari doono.

Waxaa kaloo ay sheegtay Wasiir Fowsiyo Abiikar in Xarunta Sheybaarka loo dhameystiray qalab kasto oo Caafimaad ee uu baahnaa, ayna Wasaaradda Caafimaadka dadaal badan ku bixisay sidii ay Xaruntaas u shaqeyn laheyd.

Wasiirka Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa tilmaamtay in muhiim ay tahay in dalka lagu baaro Cudurka Coronavirus, halkii marka horey lagu soo baari jiray dalka Kenya, taasina ay Culeys ku noqotay dowladda.

Comments are closed.