DAAWO:- Ciidamadda Amaanka Caabudwaaq oo gubay Qaad sharci darro ah

0

Kadib markii dhawaan maamulka degmadda Caabudwaaq iyo laamaha amniga ay soo saareen awaamiir ah in la joojinayo qaadka ka yimaada dalka Itoobiya Odoyaasha Guurtiduna ay ku raaceen mudadii loo qabtayna ay ku ekeed shalay ayaa Ciidamada Booliska degmadda Caabudwaaq waxaa ay sameeyeen saakay howl-gal ay ku soo qabteen qaadka loo yaqaan Hareeriga ee ka yimaada Itoobiya iyadoona ay ku gubeen goob fagaaro ah oo ay daawanayeen Shacabka degmadda.

Taliyaha Booliska degmadda Caabudwaaq Gaashaanle Qalbi Axmed Cali ayaa sidaan uga hadlaya howl-galka ay ku soo qabteen qaadka waxaana uu ugu baaqey dadka ka ganacsada qaadka in ay uturaan hantidooda oo ay joojiyaan qaadka inta ay ka fasaxeyso Dowladda Federaalka Soomaaliya.