AKHRISO:- Sheekh Shariif oo farriin u diray Madaxda Maamul goboleedyada Jubbaland iyo K/Galbeed

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ahna Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran ayaa baaq nabadeed ka soo saaray dagaal beeleedyo ka socda deegaano ka tirsan Gobolada dalka, kaasoo dad badan ku dhinteen.

War saxaafadeed uu soo saaray Sheekh Shariif ayuu ugu baaqay in dhinacyada dagaalamaya inay si shuruud la’aan ku joojiyaan dagaalada ka socda deegaano ka tirsan degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose iyo galbeedka magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose.

“Walaalaha Soomaaliyeed ee ku dagaalamay deegaanada ka kala tirsan maamulada Jubaland iyo Koonfur Galbeed waxaan ugu baaqayaa inay colaadda shuruud la’aan ku joojiyaan, wax kastana oo tabasha ahna wada hadal iyo is qancin lagu dhameeyo.

Sheekh Shariif ayaa ugu baaqay Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Koofur Galbeed inay u istaagaan sidii dagaaladaas sokeeye loo joojin lahaa, isla markaana door ka qaataan dib u heshiisiinta walaalaha dagaalamaya, ayna iyaga diyaar u yihiin inay ka qeyb qaataan oo ay gacan ka siiyaan nabadeynta dadka walaalaha ah.

Ugu dambeyn Sheekh Shariif ayaa ugu baaqay Madaxda dowladda Federaalka inay qayb ka noqdaan dadaal kasta oo looga hortagayo colaadaha soo noq noqdey ee aafeeyey dalkeenna.