AKHRISO:- Saciid Deni oo soo dhoweeyay Dib u heshiisiinta Galmudug iyo Wada hadalada Jubbaland ee Nairobi

0

Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa soo dhoweeyay howsha dib u heshiisiineed ee ka socota Galmudug iyo wada hadalada ka socda Nairobi ee u dhaxeeya Madaxweynaha Jubbaland iyo xubnaha mucaaradka ku ahaa.

Madaxweyne Saciid Deni oo ka hadlayay barnaamij loogu magac daray la hadal dadweynaha oo ahaa farriin laga soo duubay ayuu kaga hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka.

Madaxweynaha Puntland ayaa amaan u jeediyay dadaalka dib u heshiisiinta uu wado Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor, isagoo ku baaqay in halkeeda uu ka sii wado, sidoo kale waxa uu boggaadiyay tallaabadii Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaalle Xaaf uu ku tagay Dhuusamareeb.

“Waxaa aad u boggaadinayaa howsha dib u heshiisiineed ee ka socota Galmudug runtii waa howl lagu farxo, Madaxweynihii hore ee Galmudug Xaaf inuu Dhuusamareeb tagay uu caddeeyay inuu diyaar u yahay dhismaha Galmudug qeyb ka ahaado, sidoo kale waxaa boggaadinayaa Madaxweyne Qoorqoor sabarka, wanaagga iyo dadaalka uu sameeyay sidii dib u heshiisiin u abuuri lahaa, waxaa muuqata markii Galmudug isku keliyeysiistay dadkeeda in dowladda dhexe waqti siisay in arrimahooda xalistaan, waa soo dhoweyneynaa in deegaan walba in arrimahooda xalistaan wixii madow dhexdooda ka wada fariistaan”ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa ka hadlay wada hadalada ka socda Nairobi ee u dhaxeeyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo xubnaha mucaaradka ee ay hoggaaminayaan Seeraar iyo Xidig.

“Waxaa boggaadinayaa Dadaalka iyo wada hadalka ka socda Nairobi ee u dhaxeeya Madaxweynaha Axmed Madoobe, Xidig, Seeraar iyo Sheekh Dahir oo runtii khilaaf ka abuurmay xilligii doorashooyinka inay ka wada hadlaan oo ay garteen in arrimahooda xaliyaan, xal waara ka gaari doonaan”ayuu yiri Madaxweyne Saciid Deni oo intaa ku daray in wada hadaladaas uu gabogabo ku dhow yahay.

Ugu dambeyn Madaxweyne Deni ayaa sheegay in is bedelada ka socda Soomaaliya ee wada hadalada Maamulada oo gartay inay wad hadlaan uu furo iyo rajo cusub u yahay Dadka Soomaaliyeed.