SAWIRRO:-Xildhibaanno iyo Senator ka tirsan Aqalka Sare oo Gaalkacyo u tagay wada hadalo lala galo Madaxweyne Xaaf

0

Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka iyo Senator ka tirsan Aqalka Sare ayaa maanta gaaray magaalada Gaalkacyo, iyagoo safar dhinaca dhulka ah kaga ambabaxay magaalada Dhuusamareeb oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaayeen.

Xildhibaannadan iyo senatarada safarka dhulka ah ku gaaray Gaalkacyo ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaan Mahad Salaad, Xildhibaan Cabdisaabir Shuuriye, Senatarada kala ah Ugaas Dhagey iyo Senator Dhegdheer.

Waxaa halka looga soo galo Koofurta Gaalkacyo ku soo dhoweeyay Senayor Cabdi Qeybdiid iyo Xildhibaan Axmed Fiqi iyo dhalinyarada magaalada.

Ujeedka safarka Xildhibaannadan ayaa lagu tilmaamay inuu la xiriiro mid dib u heshiisiin iyo sidii Madaxweyne Axmed Ducaale Xaaf loogu qancin lahaa inuu aqbalo caleema saarka Madaxweyne Axmed Qoorqoor si uu xilka ugu wareejiyo.

Xildhibaanada Mucaaradka ee ka soo horjeeday doorashadii Axmed Qoorqoor ayaa dhowaan tagay Dhuusamareeb ayaa taageeray qorshaha dib u heshiisiinta ee uu waday Madaxweynaha Galmudug, si dhammaan dadka reer Galmudug uga shaqeeyaan danaha  deegaanada iyo isku duubinada meelna la iska dhigo khilaafaadka, si Galmudug loogu soo dabaalo horumar iyo nabadgelyo.