SAWIRRO:-Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo tababar usoo xiray Dufcad ka mid ah ciidanka Daraawiishta

0

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Dowladda Puntland oo muddo 6 Bilood ah tababar uga socday xerada Tababarada Ciidamada Daraawiishta Dowladda Puntland ee Xorgoble.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa bogaadiyey dhoolatus ay Ciidamada la tababaray oo loogu magac daray (Galayr) soo bandhigeen, wuxuuna sheegay in tayeynta Ciidamada iyo inay helaan Mushaharaadkooda si joogto ah ay tahay waxyaabihii ay ku guuleysatay Dawladdu sanadka hadda dhammaaday.

Ugu danbeyn Madaxweyne ku-xigeen Axmed Karaash kula dardaarmay Ciidamada la tababaray in ay noqdaan kuwo sida ay tahay u guta waajibaadka saaran.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here